U bood dhigaalka

Amnesty International Oo War Ka Soo Saarta Xaaladda Tunisia

Sheeko:Amniga

Amnesty International waxay ugu baaqday Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid inuu “si cad u damaanad qaado inuu ixtiraamayo oo ilaalinayo xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xuquuqda xorriyadda hadalka iyo isu imaatin nabadeed.

” Hay’adda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay: “Madaxweynaha Tunisia qeys Saciid waa inuu si cad ugu hogaansama ixtiraamka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xuquuqda xorriyatul qowlka, urur siyaasadeed iyo isu imaatinka nabadeed, ka dib markii uu shaqada ka joojiyay baarlamaanka isla markaana uu qaatay awoodii garsoor.”

“Walaaca in xuquuqda aadanaha ay qatar ku jirto ayaa sii kordhay kadib weerarkii foosha xumaa ee ciidamada amaanka ay ku qaadeen xafiiska Al Jazeera ee magaalada Tunis Isniintki iyo hanjabaadii madaxweynaha intii uu ku guda jiray khudbadiisa inuu adeegsado xoog adag oo ka dhan ah kuwa qatarta ku ah amniga gobolka.” ayaa lagu yiri bayaanka Amnesty.

Waxay intaas ku dartay, “Xorriyadihii lagu guuleystay iyo guulaha xuquuqda aadanaha ee ay Tunisia ka gaadhay kacdoonkii 2011 halis ayey ku jiraan, gaar ahaan maqnaanshaha maxkamad dastuuri ah oo ilaalisa xuquuqda qof walba oo dalka ku nool.”

Dhanka kale Wadahadal uu la yeeshay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Anthony Blinken, Madaxweynaha Tunisia qeys Saied wuxuu cadeeyay in talaabooyinka dhawaan laga qaaday ee Tunisia “ay waafaqsan yihiin Qodobka 80aad ee dastuurka Tunisia.

” War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Tunisia ayaa lagu sheegay in “wada hadal qadka taleefanka ah uu dhacay fiidnimadii shalay, Isniintii, laa oo dhax maraynmadaxweynaha Jamhuuriyadda, qeys saciid iyo Mr. Anthony Blinken, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray, “hogaamiyaha Qaranku wuxuu cadeeyay sida uu u jecel yahay in la ixtiraamo sharcinimada, xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda.

Wuxuu tilmaamay in talaabooyinka la qaaday ay ka mid yihiin hirgelinta cutubka 80aad ee dastuurka si loo ilaaliyo hay’adaha dastuuriga ah, si lamid ahna loona sugi nabada bulshada. .

” Dhiniciisa, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka wuxuu muujiyey kaqeybgalka joogtada ah ee dalkiisa ee horumarinta xiriirka iskaashi ee kala dhexeeya Tunisia dhinacyo dhowr ah, iyo kor u qaadida qiyamka guud iyo mabaadi’da la xiriira difaaca xuquuqda aadanaha iyo dimuqraadiyadda. Aya laguso gaban gabeeyay bayaanka .adaxtooyada tunusia.

Goobjoog News