U bood dhigaalka

Amnesty International:  Xasuuq Ayaa Ka Dhacay Gobolka  Tigray-ga

Sheeko:Amniga

Hey’adda  Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in xasuuq ka socdo gobolka  Tigray.

Boqolaal ayey hey’addani sheegtay in la tooreeyey ama xataa la jarjaray magaalada  Mai-Kadra (May Cadera) ee dhacda gobolka Tigreyga ee koonfur galbeed dalka Itoobiya.

Dhacdada oo aheyd  9 November ayaa waxaa ay timid kadib markii ciidamada dowladda Itoobiya ay weerar ku qaadeen gobolka tigreyga.

 “ Waxaan xaqiijineynaa in tiro badan lagu dilay xasuuq kuwaas oo u muuqday shaqaale nolol maalmeed ku tiirsanaa, isla markaana aan ku jirin hawlgalka dagala ee socday” sidaa waxaa yiri Deprose Muchena,  oo agaasime ka ah xafiiska Amnesty International ee bariga iyo koonfurta Afrika.

Hey’addan Amnesty International ayaa sheegtay iney la hadashay marqaatiyo baad iyo saad la daba socday ciidamada Itoobiya, kuwaas oo arkay meydadka oo ku daadsan meelo badan oo magaalada ah gaar ahaa agagaarka Commercial Bank ee Ethiopia iyo jidka ah magaalada Humera.

Ugu dambentii, hey’adda  Amnesty International  waxaa ay qoraalka ku xustay  in aan weli helin cidda ka dambeysay xasuuqa inkasta oo dad goobjoogeyaal ah ay hey’adda u sheegeen iney dilalka ka dambeeyeen Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Goobjoog News