U bood dhigaalka

Amniga Degmada Afgooye Oo Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo looga hadlayay amniga degmadaasi, kaasi oo ay wada yeesheen maamulka degmada Afgooye iyo ganacsatada degmadaasi.

Kulankaan oo saacado badan qaatay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in diiradda lagu saaray sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo in la’is kaashado.

Gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdiqani Yuusuf Axmed oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ganacsatada ay marka hore is baranayeen maadaama maamulka degmadaasi uu meesha ku cusub yahay, sidoo kalena laga wada hadlay sidii wax badan looga qaban lahaa amni xumida maalmahan dambe kusoo korortay Afgooye, gaar ahaan suuqa degmadaasi.

“Waan is baranay ganacsatada, waxaana diiradda wada saarnay sidii aan isku kaashan lahayn ammaankana aan uga wada shaqeyn lahayn” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Sidoo kale Gudoomiyaha degmada Afgooye ayaa hoosta ka xariiqay in marnaba aan degmada Afgooye lagu arki karin askari aan wadan dareeska ciidanka, misane hubeysan.

Ammaanka guud ee degmada Afgooye ayaa maalmihii ugu dambeeyay ahaa mid faraha kasii baxayay, waxaana degmada kusoo badanayay dilalka iyo Isbaarada.

Goobjoog News