U bood dhigaalka

Amniga Degmada Baraawe Oo Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Degmada Baraawe ee gobalka Shabellah Hoose waxaa ka dhacay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo maamulka degmadaasi, kaasi oo looga hadlayay amniga degmada.

Xuseen Barre Maxamed oo ah gudoomiyaha degmada Baraawe oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in la’isku afgartay sidii ammaanka loo xoojin lahaa, loona qaban lahaa cid walba oo ammaanka wax u dhimaysa.

“Waxaan meesha ka cadeynay in isku xirkeenna uu wanaagsan yahay, islamarkaana aan sii Laba jibbaarno sugidda amniga degmadaasi” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Baarwe Xuseen Barre ayaa ka warbixiyay howlgal ay maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameeyeen degmadaasi, kaasi oo dad lagu soo qabtay.

Inkastoo tirada dadka lasoo qabtay aanu inoo sheegin gudoomiyaha, ayaa hadane waxa uu sheegay in ay yihiin dadka la qabtay ku howlanaa amni darro ka dhacda degmada Baraawe.

Goobjoog News