U bood dhigaalka

Amniga Degmada Buurhakaba Oo Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Degmada Buurhakaba ee gobalka Baay waxaa ka dhacay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed, saraakiil ka mid ah ciidanka Xoogga dalka, kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM, kaasi oo diiradda lagu saarayay sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Buurhakaba Cali Xasan oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in laga wada hadlay sidii ciidamadaan ay ula socon lahaayeen dhaq dhaqaaq degmada, iyo sidoo kale in laga hortago fal walba oo amniga lagu waxyeeleenayo.

“Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xansan oo shalay noo yimid ayaa tababar usoo xiray ciidamo boqolaal ah, waxaana sidoo kale kulan saacado badan qaatay uu la yeeshay saraakiisha ciidamada AMISOM, dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxa uu kala hadlay sidii ay gacan adag ugu qaban lahaayeen amniga degmada iyo sidoo kale in la gaaro deegaanno kale” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Buurhakaba.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa sheegay in madaxweyne Shariif Xasan uu shacabka danta yar ee ku dhaqan degmadaasi lasoo gaari doono gurmad degdeg ah.

Shariif Xasan ayaa maalmahani waxa uu socdaal kusoo kala bixinayaa deegaanno ka mid ah gobalada Baay iyo Bakool.

Goobjoog News.