U bood dhigaalka

Amniga Jowhar Oo La Adkeeyay

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar waxaa shalay ka furmay wejiga Labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyadoo wararka saaka ka imaanaya magaaladaasi ay sheegayaan in aad loo adkeeyay amniga guud ee magaaladaasi.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Sh/dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in magaalada lagu arkayo ciidan badan oo amniga sugaya.

Waxaa magaaladaasi ku sugan wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay furitaanka shirka Jowhar.

Ciidamada ay wataan mas’uuliyiinta ku sugan Jowhar ayaa kaalin waxay ka qaadanayaan sugista amniga degmada Jowhar.

Waxaa xiran waddooyin ka mid ah magaalada Jowhar kawaasi oo loo xiray shirka awgiis, islamarkaana la xiray 12-kii January 2016 si amniga loo xaqiijiyo.

Dhinaca kale waxaa si habsami ah u socda shirka Jowhar oo la doonayo in lagu dhiso maamul ay u dhan yihiin shacabka ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News