U bood dhigaalka

Amniga Jowhar oo La Adkeeyey iyo Howgallo Ka Socda Magaalada

Sheeko:Amniga

Ciidanka boliiska magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid leysku haleyn karo kaddib howlgallo ay ka sameeyeen dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.

Taliyaha saldhigga boliiska caasimadda Jowhar Dhamme Maxamed Siyaad Cali “Canjeex” ayaa tilmaamay in xaafadaha magaalada iyo bannaankeeda ay ku leeyihiin xarumo laga sugo ammaanka ayna ka sameeyaan howlgalo joogto ah, gudaha iyo bannaanka magaalada.

Howlgallada sare loogu qaadayo ammaanka ayaa waxey ku soo aadayaan xilli Jowhar ay ka socdaan ololaha doorashada baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle, waxaa soo dhaweeyay shacabka ku nool caasimadda maamulkaas ee magaalada Jowhar maadama maamulku weli u guurin caasimadda rasimaga Buulo Burde.

Goobjoog News