U bood dhigaalka

Amniga Magaalada Baydhaba Oo Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo looga hadlayay amniga guud ee magaaladaasi iyo sida loo sugi karo, kaasi oo saacado badan socday.

Kulanka waxaa isugu yimid waxgaradka ku dhaqan magaalada Baydhaba, Ururada Bulshada rayidka, maamulka degmadaasi iyo saraakiil ciidan.

Waxaa diiradda lagu saaray sidii la’isaga kaashan lahaa wax iska qabashada amni xumida muddooyinkaan dambe kusoo korartay magaalada Baydhaba.

Waxgaradka halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda ugu horeysa ee sugidda amniga magaalada Baydhaba ay tahay kaliya sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen ciidamada amniga iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa iyana hadal ay ka jeediyeen kulankaasi waxa ay shacabka ka dalbadeen in lagala shaqeeyo amniga, ciidamadana loo tiulmaamo meel walba oo amni darri ka jirto.

Goobjoog News