U bood dhigaalka

Amniga Magaalada Baydhaba Oo Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo looga hadlayay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka guud ee magaaladaasi.

Kulankaan waxaa isugu yimid gudoomiyayaasha xaafadaha magaalada Baydhaba, maamulka magaaladaasi, xubno ka socday maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale qaar ka mid ah dadka shacabka ah.

Waxaa kulankaasi diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa amni darrada maalmihii ugu dambeeyay kusoo badanayay magaalada Baydhaba.

Duqa magaalada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan magaaladaasi looga baahan yahay in ay sugaan amniga, lana shaqeeyaan ciidamada amniga.

Sidoo kale Biikole ayaa sheegay in amniga Baydhaba hadii loo baahan yahay in la sugo ay ugu horeyso marka hore helista ciidamo u taagan xaqiijinta amaanka magaaladaasi.

Ugu dambeyn ayaa la’isla gartay in la’iska kaashado sugista amniga magaalada Baydhaba iyo sidoo kale in tirakoob guud lagu sameeyo xaafadaha magaalada Baydhaba.

Goobjoog News