U bood dhigaalka

Amniga Muqdisho: Dilal ka kala Dhacay Seddax Degmo Oo Ka Tirsan Caasimadda

Sheeko:Amniga

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilal qorsheeysan oo siyaabo kala kadisan uga dhacay magaalada Muqdisho .

Barqanimadii maanta kooxa ku hubeeysan Bistoolado ayaa gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ku dilay Laba oday, kuwaas oo xiligii la dilayay ku sugnaa xaruntooda Shaqada .

Labada Oday ayaa lagu kala magacaabi jiray Nabadoon Xaaji Axmed Muxumud Aadan iyo Axmed Sheekh C/laahi Fiqi.
Illa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay nabadoona , balse kooxii dilka geeystay ayaa dilka kadib isaga baxsaday goobta , laamaha amaanka ayaana Meydka labada Marxuum ka qaaday goobta uu Falka ka dhacay.
Saacado kadib dilka Nabadooda, Suuqa weeyn ee Degmada Wadajir kooxa hubeeysan ayaa dil waxa ay ugu geeysteen Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda .
Dilka askariga ayaa ka dhacay suuqa weyn , askariga la dilay ayaana la sheegay in uu ka tirsana Askarta canshuuraadka.
Kooxihii dilka geeystay ayaana dhankooda isaga baxsaday dilka kadib goobta , ciidamada dowladda oo gaaray goobta, ayaana qaaday Meydka Askariga .
Dhanka kale Qarax Maanta ka dhacay degmada Shibis ee gobalka banaadir ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan Afar Qof .
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxa lala beegsaday gaari uu saarnaa Nabadoon Muxudin Xassan Afrax iyo Xuseen Caraale oo horey uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaana Qaraxaasi ku dhintay Afar ka mid ah ilaalada Nabadoonka,qaraxa ayaana dhacay xilli ay marayeen wadada Beeyxaani ee degmada Shibis.