Amniga Oo Noqonaya Ajendaha Golaha Shacabka Ee Sabtida Soo Socota

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta sheegay maalinta sabtida ee taariikhda ku beegan tahay 6-da April uu goluhu ka doodi-doonno arrinta amniga.

Mudane Mursal ayaa intaasi raaciyey in loo yeeri-doono hey’adaha ku shaqada leh amniga, isagaa oo carabka ku adkeeyey in isla xisaabtanka ay ka mid tahay waajibaadka golaha shacabka.

Dhinaca kale, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka gaar ahaan guddiga joogtada aha ayaa Goobjoog News u sheegay iney jirto cabsi laga qabo in sabtida kulanka loo diido warbaahinta xorta ah iyaga oo balan-qaadey iney arrintaas ka hortagi-doonaan.

Goobjoog News

 

Related Articles

One Comment

  1. Mudane Murasal ma wuxuu leeyahay:
    “XOR BAAN AHAY OO CIDINA IMA IIBSAN”?

    MURSAL DANTIISA HA EEGTO.

    MURSALOW, FARMAAJO IYO DOONTIISA SII DEGEYSA HA RAACIN. WAA IGA TALO.

    KUMA KHASAAREYSID EE XAQA IYO SHARCIGA KU MINTID.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW