Ansixinta Heshiiskii DP World ee maalgelinta dekedda Berbera ayaa saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshay habsami socodka shaqada ee baarlamaanka oo anxisinta heshiiska ka dib si gaabis ah u socda.
Xildhibaanada ka soo horjeestay ansixintii heshiiska ayaa ku doodaya in lacag ay xukuumaddu siisay xildhibaanadii heshiiska ansixiyey ay saamayn ku yeelatay shaqadii golaha wakiiladu u hayey bulshada.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ahaa xubno  xildhibaanno ah oo ka soo horjeeday heshiiska ayaa sheegay in ansixinta heshiiskan xildhibaanadu ku meel mariyeen lacago gaareysa illaa  $9000 oo ay xukuumadda ka qaateen xildhibaanadu , taas oo  saamayn ku yeelatay shaqadii goluhu bulshada u hayeen, iyadoo fadhigii kaa ku xigayba ay diideen badankoodu in dood laga furo sharciyeyta  wax ka bedel lagu sameeyo qaabka xukuumaddu  umaamusho hantida guud .
Xildhibaankan ayaa tilmaamay in doodaasi haddii ay meel marto, waa tan ku saabsan sharciga hantida guud; oo ay noqoto xeer goluhu u fadhiisto lana ansixiyo ay saamayn ku yeelanayso hanti guryo iyo dhul iskugu jirta oo danta guud ee dadka ka dhaxaysa ah ay xukuumaddu ka iibinayso ganacsato .
Xildhibaan Qabile oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa yiri ” wax kast oo sharci darro loo qaataa waxay saamaynaysaa waxii sharciga ahaa lacag sharci darro ah oo ay xildhibaanadu qaateen ayaa hakisay shaqadii dhammaa ee golaha shacabku u igmadeen”.
Arrinta dhalisay doodda ah in xildhibaanadu lacag ka qaateen xukuumadda si ay ugu meel mariyaan heshiiska dekadda Berbera ayaa bilaabatay ka dib markii xildhibaanno mucaarad u badnaa oo meel adag ka taagnaa heshiiska maalintii koowaad ee fadhiga ay shaaciyeen maalintii labaadba inay ka tanaasuleen dooddii iyagoo ugu dambey cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska.
Goobjoog News