Ansixinta Sharciga Xuquuqda Carruurta ee Soomaaliya, Talaabo Horey Loola Jaan-Qaadey Adduunka

Caruur askareedSharcigani illaalinta xuquuqda carruurta waxaa markii ugu horeysey la saxiixay 20-kii bishii Nofeember sanadii 1989-dii, waxaana saxiixa la dhameystirey 2-dii bishii sebteembar 1990-kii xiligaasi oo ay saxiixeen tiradii dalalka loo baahnaa si uu u noqdo mid meelmara.

194-ta dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ayaa dhamaantood wada ansixiyey marka laga soo tago sedex dal oo kala ah Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo Maraykanka , balse Soomaaliya ayaa ansixisey 13-kii bishan Nofeember, 2014-ka kadib cod aqlabiyad oo uu baarlamaanka Soomaaliya ugu codeeyey.

Kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka, kulankiisii 16-aad ayaa lagu ansixiyey sharcigani , waxaana u codeysey 140 xildhibaan, hal xildhibaan ayaana ka aamusey, wax diideyna ma aysan jirin.

Sharciga waxa uu ka hadlayaa illaalinta xuquuqaha asaasiga ah ee carruurta da’doodu ka yartahay 18 sano jir, waxaa xuquuqahaasi ka mid ah xaqa uu ilmaha u leeyahay in uu noolaado, lahaado magac kiisa ah, la noolaado waalidkiisa , kuna dhex noolaado qoowmiyadda dhaqan ahaan uu kasoo jeedo, islamarka ahaantaasna helo waxbarasho.

Sharciga ayaa wadamada asnixiyey ku qasbaya in ay waalidiinta u ogolaadaan in ay gutaan waajibaadkooda waalidnimo, waxa uu qaanuunka sidoo kale sheegayaa in carruurta ay leeyihiin xaqa in ay aragtidooda cabiraan, lana fuliyo dalabyadooda haddii ay yihiin kuwa macquul ah.

Waxa ay carruurta xaq u leeyihiin in laga difaaco nooc kasta oo dhibaato ama si xun u adeegsi ah, iyo in la illaaliyo dharwsanaanta sharaftooda iyo cawradooda iyo waliba siraha ay leeyihiin.

Waxa uu sidoo kale sharciga dowladaha ku qasbayaa in ay ilmaha u magacaabaan qof garyaqaan ah oo xuquuqdiisa u dooda haddii dacwad maxkamadeed oo ilmaha la xiriirta ay timaado.

Gabi ahaanba waxa uu mabnuucayaa nooc kasta oo ka mid ah ciqaabta loo geysto carruurta, sida uleynta, dharbaaxada iyo gacanqaadka nooc kasta oo uu yahay, waxa kale oo uu mabnuucayaa afxumada ilmaha loo geysto, iyo wax ka sheegistooda.

Waxyaabaha uu sharcigani mabnuucayo waxaa ka mid ah In carruurta la askareeyo , in lagu shaqeysto , in jirkooda laga ganacsato, in carruurta la kala iibsado, iyo in la tuso muuqaalo fool xumo ah.

Wadamada ansixiyey waxaa sanad kasta laga doonayaa in ay Qaramada Midoobey u gudbiyaan warbixin la xiriirta horumarka laga sameeyey illaalinta xuquuqda aadanaha , waxaa sidoo kale warbixin golaha loo dhanyahay u gudbinaya guddi caalami ah oo wadamada oo dhan ay xubno ka yihiin kaasi oo ka warbixinaya haddii ay dhaceen xadgudubyo sharciga lagu sameeyey.

Tusaale ahaan haddii dal ka mid ah wadamada ansixiyey laga helo carruur ka mid ah askarta dowladda, taasi waxa ay horseedi kartaa in dalkaasi cunaqabatayn laga saaro xagga hubka , sidoo kalana la xanibo kaalmada hubka ee uu dalkaasi helo.

Taasi waa arrin si toos ah saameyn ugu leh Soomaaliya oo wali ay saarantahay cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobey, islamarkaasina u baahan kaalmo xagga ciidamada.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW