U bood dhigaalka

António Guterres: Aad Ayaan uga walaacsanahay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga
António Guterres Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin xaaladda cakiran ee Soomaaliya .
Guterres ayaa sheegay in dhinacyada siyaasadda isku hayo loo bahan yahay in ay sameeyan wada xaajood xal looga gaaro dhibaatooyinka Dalka .

 

Ku Xigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud Farhan Haq ayaa yiri “Xoghayaha Guud wuxuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan.”

“Xoghayaha Guud wuxuu ku boorinayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah kulan isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan sidii hore loogu socon laha doorashooyinka qaran, iyadoo la waafajinayo heshiiskii doorashada ee 17ka Sebtembar.”

“Xoghayaha Guud wuxuu kaloo ku baaqayaa in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqda isu imaatinka nabadda ah iyo xorriyadda hadalka.”

“Wuxuu mar kale ku celinayaa taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hannaanka nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada.”

Hadalka ka soo yeeray Mr Guterres ayaa ku soo adaya xilli Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ay Shalay Kulan ay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya, iyagoo golaha isku raacay in ay aad uga walaacsan yihiin rabshadihii ka dhacay Caasimadda 19- February .