U bood dhigaalka

Antonio Guterres: “Dhinac Walba Mustaqbalka Itoobiya Halis Ayuu Ku Jiraa”

Sheeko:Amniga

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay xaaladda kacsan ee dagaalada Itoobiya.

Guterres, ayaa sheegay in ay jiraan dhalinyaro badan oo la ciidameyay, kuwaas oo loo abaabulayo in ay qeyb ka noqdaan dagaalka dowladda ay kula jirto kooxda TPLF.

“Waa wax aad looga xumaado in la arko dhallinyaro badan oo Itoobiyaan ah oo la qalabeeyay lana abaabulayo dadaalka dagaalka”, ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aantonio Guterres.

Guterres ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray in ay ka xun yihiin wadada lagu wado dhalinyarada halkii ay ku taamayeen in la dhiso Mustaqbalkooda.

“Awoodooda ayaa la qeybiyay, halkii loo dhisi lahaa Mustaqbal qurxoon dhamaan Itoobiyaanka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Guterres .

Ugu dambeyn Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in Mustaqbalka Itoobiya uu halis ku jiro.

“Dhinac walba marka laga eego, mustaqbalka Itoobiya ayaa halis ku jira”, ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aantonio Guterres.

Goobjoog News