U bood dhigaalka

António Guterres: Dowladda Federaalka Ah Iyo Maamullada Waa In Ay Ka Wada Hadlaan Qeybsiga Awoodaha, Dakhliga Iyo Kheyraadka

Sheeko:Dalka

António Guterres, xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa ku dhiirigeliyay dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada in ay ka wada hadlaan  qeybsiga awoodaha, dakhliga iyo kheyraadka, sidaasi waxaa uu ka sheegay shir golaha ammaanka uu ka yeeshay dalalka ay abaaraha ku dhufteen oo Soomaaliya ay ku jirto.

António Guterres  oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Golaha ammaanka waxaa uu soo jeedinayaa in Soomaaliya laga taageero dhanka siyaasadda, in xukuumadda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada jira ay wada shaqeyn fiican yeeshaan, iyada oo aan horumar siyaasadeed la gaarin, waa adag tahay in wax laga qabno Banii’aadnimada”

Mr. Guterres  waxaa uu sii hadlay “Waxaa kale oo muhiim ah in laga wada hadlo arrimaha federaalka ah sida  awood-qeybsiga, heshiisyada la xiriira dakhliga gudaha iyo sida loo qeybsanayo Kheyraadka”.

António Guterres waxaa uu golaha ammaanka u sheegay in uu Soomaaliya tagay bishii March, isla markaana uu soo arkay baahi-daran oo heysay dadkii uu la sheekeystay isaga oo arrintaasi ka yiri “Soomaaliya, in ka badan 6 Milyan ayaa si toos ah ugu tiirsan kaalmada Banii’aadnimo si ay nolol u helaan halka hey’adaha gar-gaarka ay ka cabanayaan loolanka, amni darrida, waddooyinka xiran iyo iska daba-wareegga xafiisyada.

Sanadkan 8-dii bil ee ugu horeysay waxaa uu sheegay in la dilay 4 ka tirsan shaqaalaha gar-gaarka halka 100 ka badan ay la kulmeen arrimo dhibaato soo gaarsiiyay.

Xarakada Al-shabaab waxaa uu sheegay in ay heystaan qeybo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, iyaga oo ay adag tahay in goobahaasi la gaarsiiyo wax gargaar ah, in ka badan 1.9 Milyan oo deegaannadaasi  ku nool ayaa u baahan in la caawiyo ayuu intaasi ku daray.

Ugu Dambeyntii, dhanka dowladda Soomaaliya waxaa uu ku eedeeyay in ay dhibaatada qeyb ka tahay marka laga hadlayo canshuuraha adag, sharaciyada, howlaha oo aan la dedejin iyo ay dowladda ku heyso magacaabista shaqaalaha gar-gaarka.

Goobjoog News