U bood dhigaalka

Trump oo Go’aanadiisa Muhiimka ah Ku soo Bandhigi Doona Bartiisa Twitter-ka

Sheeko:Dalka

Sean Spicer oo ah ninka Trump u magacaabay afhayeenka Aqalka Cad ayaa filaya in Trump isticaali doono bartiisa Twitter-ka ku dhawaaqista go’aanadiisa siyaasadeed ee waaweyn.

Spicer ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in 45 milyan oo la socota barta Twitter-ka Madaxweyne Trump ay tahay arrin baqdin badan gelisay warbaahinta Mareykanka.

Afhayeenka guriga Cad ayaa intaa sii raaciyay in aan madaxweyne Trump u baahneyn warbaahinta, laakiin marka uu bartiisa Twitter-ka uu wax ku qoro natiijadii loo baahnaa uu si degdeg ah ku helo.

Khubarada dhanka siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa aad u dhaleeceeyay bishii la soo dhaafay ka dib markii uu madaxweyne Trump uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Mareykanka ay waajib ku tahay inuu si xoog ah u hormariyo awooddiisa dhanka nuclear-ka.

Goobjoog News