Aqalka Sare: Baahida Loo Qabo Aqal Aan La Diyaarin Sharciyaddiisa, Lana Ansixin Dastuurkii Uu Ku Jiray

Aqalka sare waxaa soo jeedinaya dastuurka KMG ee aan weli la ansixin, waxaa ay dad badan ku doodayaan in aqalka sare dhismihiisa uu ka soo hormari doono xitaa ansixinta dastuurkaas, qaar kale ayaa qaba in waqtigiisa aan la gaarin halka inta badan ay aamisan yihiin in uu soo kordhin doono qalqal siyaasadeed.

Dood arrinka aqalka sare ku saabsan ayey Goobjoog News  dhex dhignay  Xildhibaan Cabdulahi Axmed Xuseen Coon, Suldaan Cabdicasis Cumar Daad(Beyle), Suuban Mahad Dirir, Maxamed Xasan Xaad,  Asli Ismaaciil Ducaale, Malaaq Shiine iyo aqoonyahanno kale.

Xildhibaan Cabdulhi Axmed Xuseen Coon ayaa ugu horreyntii ka hadlay  in Aqalka sare uu haatan dhismihiisa horyaallo Baarlamaanka federaalka balse ay isaga la tahay in aanay ahayn xilligii aqalka sare la dhisi lahaa oo baahidiisa aanay jirin.

Xildhibaan Cabdulahi wuxuu sidoo kale sheegay in aqalkan ay Xukuumadda dabada  ka riixeyso uu ku wanaagsanaa in uu yimaado iyadoo dalka ay ka dhacayso doorasho qof iyo codkiisa, oo Axsaab dalka jiraan balse xilligan oo dowladda oo dhan ay ku tiirsan tahay dakhliga Furdada aanay habbooneyn in laga hadlo Aqalka sare.

Suldaan Cabdicasis Cumar Daad(Beyle):  waxaa uu sheegay in uu aqalkan yahay Baahi jirta oo dalka ka maqnayd, isagoo ku taliyay in xulistiisa mudnaan la siiyo si loo helo dad u qalma aqalka sare, waxaa uu rajo ka muujiyay in aqalkaas uu uu soo uruurin karo isqabqabsiga dalka ka jira .

Suldaan Cabdicasis Cumar Daad(Beyle) waxaa xulista aqalkan uu shardi uga dhigan aqoon, Waddaniyad iyo hufnaan, taasi oo keeni karta in dadkan ay Maskax ku soo kordhiyaan umadda Soomaaliyeed, dhibaatadana looga bixi lahaa.

Mar uu ka hadlay Mushaarka la siinayo aqalka sare waxaa uu Suldaanka qabaa in 54-taas qof  ay cashuuraha dalka ku filan yihiin oo aan beesha Caalamka loo baahnayn

Maxamed Xasan Xaad oo ka tirsan oday dhaqameedka waxaa uu sheegay in aqalkan aanay Soomaalida aqoon u lahayn isla markaana uu culeyso soo kordhin doono, meelaha uu aqalkaas ka jiro ma aha meelo lagu cabiri karo dalka Soomaaliya ayaa  Xaad hadalkiisa ku daray isagoo ku soo gabagabeeyay in uu aqalkan yahay mid Soomaalida loo soo diyaariyay ama kor looga keenay oo aan ku iman rabitaanka shacabka.

Muuse Sheekh oo aqoon yahan ah ayaa isna sheegay in aqalkan uu yahay gole odoyaal, isagoo caddeeyay in aqalkaas aanu ka sarreyn Baarlamaanka dalka, Muuse waxaa uu qabaa in aqalkan uu khilaafaadka dalka ka jira uu xallin doono mar haddii ay ku jiraan Odoyaal, isagoo soo jeediyay in aqalkan lagu soo daro dad khubaro ah oo aqoon yahay ah, oo odoyaal ah si dadkaas u noqdaan kuwo xal iyo miisaan leh.

Asli  Ismaaciil Ducaale ayaa iyadana ka hadashay aqalka sare, Asli waxaa ay soo jeedisay in xilligan aan loo baahnayn aqalka sare, oo dhaqaale iyo agab kale loo hayn, iyadoo intaa raacisay in dalkeena uu yahay dal sabool ah.

Asli waxaa ay qabtaa in Aqalka sare uu soo kordhin doono jahwareer iyo isqabqabsi iyo in uu sheegto awood aanu lahayn, iyadoo ku talisay sidoo kale in aqalkaas uu iman karo marka Axsaab la helo.

Malaaq Shiine oo ka tirsanaa dadkii soo xulay baarlamaanka hadda jira waxaa uu sheegay in aqalkan, awooddiisa iyo xitaa baahida loo qabo in aanu fahamsaneyn oo dalka uu geli  doono isqabqabsi iyo qalalaaso hor leh.

Oday Shiine waxaa uu qabaa in aan waqti lagu lumin oo aan lagu mashquulin aqalka sare laakiin ay wanaagsan tahay in sharciyadiisa la diyaariyo ee dalka culeyska ka jira aan culeys kale lagu soo kordhin.

Suuban Mahad Dirir:  Suuban oo ka tirsan bulshada rayidka waxaa ay qabtaa in aqalkan uu muhiim yahay isla markaana uu Matalayo gobollada iyo maamul goboleedyada jira, iyadoo cabsi ka muujisay dadka ka imaanaya gobollada in ay garab maraan dhaqankii iyo marjicii lagu yaqaanay Soomaaliya.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye, 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW