U bood dhigaalka

Aqalka Sare Ee Ethiopia oo Dalab Ka Dhan ah Maamulka Tigteega u Diray Dowladda Federaalka

Sheeko:Amniga

Aqalka Sare Baarlamaanka Ethiopia ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay miisaaniyadda ka goyso golaha Maamulka ee dowlad goboleedka Tigreega.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Aadan Faarax ayaa sheegay in aan Madaxda Maamulka Tigreega Dastuur ahaan loo aqoonsaneyn, isla markaana laga mamnuucay in dowlada dhexe ay la shaqeyso

Aqalka Sare Ethiopia ayaa horay shalay u go’aamiyay in dowladdu la shaqeyso Maamulada Degmooyinka isla markaana xiriirka u jarto Golaha Sare Ismaamulka Tigreega.

Goobjoog News