U bood dhigaalka

Aqalka Sare: Guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi oo Bilaabay Diiwaangelin.

Sheeko:Amniga

War goordhow ay soo saareen guddiga doorashada Aqalka sare ee gobollada waqooyi ayaa lagu sheegay in ay bilaabatay diiwangelinta musharaxiinta Aqalka sare.

Qoraal kasoo baxay ayaa u qornaa

Diiwaan gelinta musharixiinta Aqalka sare ee Gobolada waqooyi Somaliland ayaa si habsamiya uga socota Xarunta Villa Rosa ee Magaalada Muqdisho.
Mudane Siciid Cabdi Xuseen ayaa noqday musharixii ugu horeeyay ee is diiwan geliyay.

Dhinaca kale xubno ka tirsan guddiga oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in diiwangelinta oo aheyd khamiistii ay dib u dhacday sababo la xiriira CID iyada oo maanta oo sabti ah iyo axadda laga dhammaan doonto diiwaan gelinta, kadibna Isniinnta la dhageysan doono khudbadaha.