U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo $50,000 doolar Ugu Deeqay Arrimaha Fatahaadda

Sheeko:Dalka

Golaha Aqalka sare oo maanta yeeshay kulankoodii 9-aad ayaa warbixin waxay ka dhageysteen guddiga gurmadka u xilsaaran Aqalka sare Fatahaadda wabiga Shabell.

Ka dib markii Golaha Aqalka sare ay warbixinta ka dhegeysteen guddiga Aqalka sare u xilsaaran arrimaha Fatahaadda, waxay sheegeen in la cag dhan $50,000 oo doolar uu Aqalka sare ugu yaboohay dadka ay saameeyeen Fatahaadaha.

Golaha Aqalka Sare ayaa Magacaabay guddi Isbuucii hore,kaas oo ka koobnaa 7 xubnood oo uu ka mid ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare si kaalin looga geeysto gurmadka loo fidinaayo dadka uu saameeyay Fatahaadda wabiga.

Goobjoog News