Aqalka Sare Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka.

Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka isgaarsiinta qaranka, waa markii ugu horeeyay ee taariikhda ee aqalka sare ansixiyo hindise sharciyeed ka yimid golaha wasiirrada.

Kulanka aqalka sare, waxaa soo xaadiray 40 Xildhibaan oo golaha ka tirsan, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi, waxaa kaloo joogay guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)  iyo guddoomiye ku-xigeenka Labaad Mowliid Xuseen Guhaad.

Sharciga ayaa isla maanta maray akhrintiisii 2aad iyo 3aad, codeyn loo qaadey waxaa ogolaaday  39 mudane oo ka mid tirsan aqalka sare.

Wasiirka Wasiirka Boostada,  Isgaarsiinta & Teknology-da  Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sabtidii Xildhibaannada aqalka sare u akhriyay hindisaha, isaga oo sharaxaad ka bixiyay ahmiyadda sharciga u leeyahaya qaranka, waxaa uu sidoo kale codsaday in xildhibaannada iyaga oo tixgelinaya arrimaha uu xusay ay ansixiyaan.

Sharciga ayaa hadda sugaya oo kaliya saxiixa Madaxweynaha dalka si loo meer mariyo.

Goobjoog News,

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW