U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Shirkadaha Xajka Weeraray, 4 Wasiirna U Yeeray, Kana Dooday Lacagta Qaaliga Ah Ee Xajka Ku Baxeysa

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada aqalka sare ayaa maanta dood kulul ka yeeshay soo jeedinta Xildhibaan Naciimo Ibraahim Yuusuf oo aheyd in  lacagta laga qaado xujeyda Soomaalida ay tahay mid qaali ah, loona baahan yahay go’aan iyo in tilaabo la qaado.

Xildhibaannada aqalka sare ee golaha ka hor hadlay ayaa ka sinnaa in lacagta laga qaado Xujeyda Soomaalida ay tahay mid qaali ah marka loo eego dalalka kale, iyaga oo intaa raaciyay in adeeg xumo ay wehliso.

Wasaaradda, Safaaradaha iyo shirkadaha duulimaadka intaba waa la dhaliilay, waxaana loo yeeray  illaa 4 wasiir: wasiirka diinta iyo awqaafta Xil.Dr. Iiman Cabdullahi Cali , wasiirka ganacsiga Khadra Axmed Ducaale, wasiirka gaadiidka dhulka iyo cirka  Maxamed Cabdullahi Salaad iyo wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad Cumar Axmed.

Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi ayaa si weyn u taageertay soo jeedinta, iyada oo sheegtay in Senatarada ay matalaan shacabka, shacabkana ay ku dhib qabaan Xajka tagiddiisa, waxaa ay soo qaadatay in qofka Xajka ka aadaya Djibouti uu bixiyo $1608 halka Soomaaliyana laga qaado $3800 oo xitaa meesha la dejiyo aaney laheyn cunto iyo marwaxado

Xildhibaan Cabdirisaq Cismaan Xasan Cismaan ayaa waxaa uu isweydiiyay cidda ka mas’uul lacag qaadista: “Waxaan caddeyn Mudane guddoomiye, Yaa leh mas’uuliyadda dhabta ah $3,808 in qofka ka xajinaya lagaga qaado Xamar, Yaa gooyay in Boosaaso oo kun ka badan ka shisheyesa intaasi laga qaado, Yaa gooyay Hargeisa oo Djabuti intaasi u jira in $3800 la qaado, Djiboutina  $1600 laga qaado, Sharciyan cidda leh, ilaahey hortii ma garanayo, Ma cidda diyaaradda leh, ma wasaaradda, Lacagtaas xagee ku dhacdaa”?

Xildhibaan Faadumo Xasan Aden  waxaa ay la yaabtay in iyada iyo wiilkeeda laga kala qaado lacago aan isku dhaween“Waxaa socda meeshan qof inuu ku baxo $1608, aniga wiilkeyga waxaa uu ku baxayaa $3790, marka wax isku dhaw ma aha, markii aan arrinkan ogaadey aniga iyo guddoomiye Samsam waxaan la kulanay wasiirka, waxaan ku niri dadka waa cadiban yihiin, qiimahana waa qaali, Maxaa ka ogtahay? Waxaa uu wasiirka nagu yiri aniga waa ay iga horeysay arrinkan, aniga waan ku cusbahay, waxaan wax ka qaban karaa xajka ama cimrada soo socda, wax walbo cid ayey u xiran xataa maciishadda”

Axmed Cabdi  Xafid Maxamud (Bulsho) waxaa uu qabaa in shaqadii wasaaradda diinta iyo awqaafta ay shirkado la wareegeen “Wasiirka waxaa uu sheegayaa arrinkan waa iga horeysay, waxaan idiin sheegayaa in wasaaradda diinta iyo awqaafta ay shacabka wakiil uga tahay, iyada ayaa xajka ka wakiil ka ah, shaqadii ay qaban laheyn shirkado ayaa qabta”

Xildhibaan Maxamed Amiin Shiiq Xasan waxaa uu ku dheeraaday qaaliga lacagta iyo adeeg xumida shirkadaha duulimaadka“ Lacagta qofka Soomaaliga ku baxeysa iyo lacagta ku baxda dalalka aan dariska nahay aad iyo aad ayey u kala fog yihiin, adeegga ugu liito ayaa loo sameeyaa, Xajka meesha dadka Soomaaliya ka xajiyo tagaan iyo meesha dalalka kale aad iyo aad ayey u kala fog yihiin, duruufo badan ayaa jira, marar qaar qofka Soomaaliga ah ee Yurub ama Mareykanka ka yimaada iyo waalidka Soomaaliya ka tago waa kala fog yihiin, wax walbo hadda waa isku ah shirkadaha, doorkii Safaaradda iyo midkii wasaaradda ayaa meesha ka maqan”.

Xildhibaan Maxyudin Sheekh Cali Jaamac ayaa isna ka sheekeeyay dhibka uu ka maray tagista Cimrada“Aniga sanadkan aan ku jiro Cimradii ayaan tagay, waxaan ka tagay Nairobi, Safaaradbeynu leenahay waan tagay, aniga qura ma aheen, Xildhibaannada ayey u badnaayeen, intii tagtay wax Passporada naga qaado ayaan weynay, warbaa soo baxay, waxaa la yiri, war suuqa ayaa laga qaataa, $700 ku heleysaan, haddii aad dooneysaan in cimrada tagtaan, iyaga ayaa xiriir wada leh, Xajka dhibka waa lagu qabaa”.

Xildhibaan Axmed Macalin Cumar(Nadir) ayaa weerar ku qaadey ganacsatadaHorta lacagta la qaadayo aniga ayaa la iiga qaadayey waa $3850…dadkan ganacsatada ah sida ay rabaan ayey dalka ku soo maamulayeen, wax yac ka dhahayey ma jirin, Xajka ayaad sheegeysaane localka ayey naga heysataa, waa arrin dhiig joojin u baahan”

Xildhibaan Xasan Faarax Xujaale waxaa uu dalbaday in wasiirka loo yeero, lana sameeyo sharciga shirkadaha haga: “Shirkadahan sharci xadidaya ma laha, wax la xisaabtama oo yiraahda sidee wax ku sameyneysaan ma laha, cumrada waxaa ku dhawaaqaya wasaaradda diinta iyo awqaafta,  cumradii maanta ayey furantay, waxaa ay ku egtahay maalintaa, waxaa loo yeerayaa inta ku shaqada leh oo ah imigrationka, shirkadaha diyaaradaha, Bangiga dhexe, mas’uuliyadaas waxaa ay saran tahay wasaaradda, marka waa in wasiirka loo yeeraa, yeeritaanka waa caddeyn, kadib golaha uu go’aan soo saaro sharci lagu hayo shirkadaha wax alle wixii ay rabaan iska sameeya”.

Wasiiradan: wasiirka diinta iyo awqaafta Xil.Dr. Iiman Cabdullahi Cali , wasiirka ganacsiga Khadra Axmed Ducaale, wasiirka gaadiidka dhulka iyo cirka  Maxamed Cabdullahi Salaad iyo wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad Cumar Axmed ayaa laga sugayaa in ay hor yimaadaan aqalka sare, kana jawaabaan su’aalo ku saabsan lacagaha xajka.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News