U bood dhigaalka

Aqalka Sare Oo Soo Bandhigay Xubnaha Liiska Kama Dambeysta Ah Ee Guddiyada 8-dda Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha aqalka sare ayaa maanta kulan caadi ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho, kulankan oo ay u dhammaayeen guddoonka golaha sida guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdulahi, guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)  iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mowliid Xuseen Guhaad ayaa waxaa soo xaadiray 44 Xildhibaan.

Xildhibaannada golaha aqalka sare ayaa lacag dhan $33,700 ugu deeqay guddiga abaaraha, waxaana lacagtaasi guddoomay Sheekh Bashir Axmed Salaad.

Intaasi kadib, Golaha aqalka sare waxaa ay soo saareen liiska guddiyada guddoonka golaha oo dhameystiran, liiskan oo todobaadkii hore la magacaabay ayaa hadda lagu sameeyay isbadal iyo isku shaan-dheyn.

Halkan Ka Akhriso, Guddiyaga Kala Duwan Ee Golaha Aqalka Sare:

1. Guddiga La socodka Dib-u eegista, Dhaqangalinta Dastuurka iyo arimaha Federaalka.

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole-xubin
  2. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid. xubin
  3. Iftiin Xasan IimaanBaasto.xubin
  4. Cabdikariim Maxamed Xasan.xubin
  5. Xuseen Sheekh Maxamuud. xubin

2. Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa , Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarad

  1. Xasan Faarax Xujeel-Guddoomiye.
  2. Axmed Cabdixafid Bulsho- gudd ku-xigeen
  3. Cabdullahi Cabdi Garuun.
  4. Bilaal Idirs Cabdullahi.
  5. Mahdi Daahir Sh, Nuur.

3. Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta

  1. Zamzam Ibraahim Cali- Guddoomiye
  2. Faadumo Xasan Geenyo- gudd ku-xigeen
  3. Cusmaan Axmed Macow. Xogheyn
  4. Abuukar Axmed Xaashi.
  5. Cumar Cabdirashid Sharma’arke.

4. Guddiga Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta Iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada

  1. Muhyudiin Sh. Cali Jaamac-Guddoomiye.
  2. Jawaahir Axmed Cilmi. gudd ku-xigeen
  3. Timiro Maxamed Cali. Xogheyn
  4. Maxamed Xuseen Raage.
  5. Saciido Xasan Xuseen.
  6. Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.

5. Guddiga Difaaca Iyo Amniga

  1. Maxamed Amin Sh. Cusmaan-Guddoomiye.
  2. Xuseen Cali Xaaji Cabdalla. gudd ku-xigeen
  3. Farhaan Cali Xuseen. Xogheyn
  4. Axmed Xaashi Maxamud
  5. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
  6. Cabdirisaq Axmed Cali

6. Guddiga Arimaha Dibedda Qorsheynta, Maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah

  1. Cabdrisaaq Cismaan Xasan Juriile-Guddoomiye
  2. Maxamed Cusmaan Faarax”Dhagajuun”. gudd ku-xigeen
  3. Saciid Cabdi Xuseen. Xogheyn
  4. Ayub Ibrahim Yusuf.
  5. Cabdisalaam Xaaji Maxamed.
  6. Mustafa Maxamed Qodax.

7. Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka.

  1. Axmed Macalin Cumar Nadiir-Guddoomiye.
  2. Aden Cali Aden. gudd ku-xigeen
  3. Muno Xasan Cumar. Xogheyn
  4. Zamzam Daahir Maxamud.
  5. Cusmaan Maxamud Maxamed.
  6. Nuur Faarax Jaamac.

8. Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka

  1. Ilyas Cali Xasan-Guddoomiye.
  2. Shukri Aden Maxamed. gudd ku-xigeen
  3. Naciimo Ibrahim Yusuf. Xogheyn
  4. Maxamud Axmed Maxamud Mashruuc.
  5. Yusuf Geelle Ugaas.

9. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

  1. Sen Cabdi Axmed Dhuxulow-Guddoomiye
  2. Deeqo Xasan Xuseen. gudd ku-xigeen
  3. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  4. Sen Bootaan Barre Samatar. Xogheyn
  5. Farxaan Cali Xuseen .
  6. Sen . Muuse Suudi Yalaxow

Goobjoog News