U bood dhigaalka

Aqoon Is-weydaarsi Looga Hadlayey Doorka Haweenka Ee Ka Qeyb-galka Siyaasadda Oo Lagu Qabtay Hobyo

Sheeko:Amniga

Aqoon iswaydaarsigaan oo ku saabsanaa kor u qaadida kaqaybgalka siyaasada haweenka ayaa lagu qabtey magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Qaybaha bulshada oo kakooban Haweenka, dhalinyarada iyo odayaasha dhaqanka ayaa ka qaybgaley aqoon kororsiga waxaana bulshada qaybaheeda kala duwan  ee ka qayb galey ay wadaageen talooyin iyo fikradu ku saabsan sidii sare loogu qaadi lahey doorka siyaasada ee haweenka soomaaliyeed gaar ahaan haweenka Galmudug.

Hay’adaha Eisa iyo community relief centar CRC ayaa iska kaashadey qabashada siminaarkaan waxaana goobjoog ka ahey maamulka degmada Hobyo.

Gudoomiyaha Hobyo C/laahi Cali Faat ayaa daahfurey aqoon iswaydaarsigaan waxa uuna ku booriyey shacabka ilaalinta qoondada haweenka.

Axmed cabdi shaakir iyo c/laai cabdaw oo kakala socdey Hay,adaha CRC IYO Eisa ayaa ka hadley ujeedada  aqoon iswaydaarisga iyo muhiimada uu leeyahey.

Haweenka dhalinyarada iyo odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda ka hadley dareenkooda ku aadan sidii loo iaalin lahey sarane loogu qaadin lahey ka qayb galka siyaasada ee haweenka soomaaliyeed.