U bood dhigaalka

Aqoonyahan Axmed Xasan “Dowladda Federaalka Waxa Ay Xiriirka Ugu Jartay Iran Waa Qancinta Sacuudiga”

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ulajeedka ay Iiraan xiriirka ugu jartay ay tahay sidii ay u qancin lahayd wadamada Carabta oo ay ka hesho dhaqaalaha.

Aqoonyahan Axmed Xasan Cabdiraxmaan oo wareysi siinayay Goobjoog FM ayaa sheegay in ka dal ahaan Iiraan ay doonayso in dadka Soomaaliyeed ay kala jabiso caqiido ahaan sida ka jirta Sacuudiga oo kale.

Wuxuu sheegay in sideedaba Iiraan ay ku jirto marxalad aad u adag oo caalamka oo dhan wadamo ka mid ah ay xariirka ugu jarayaan waqtigani.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in danta weyn aysan ka lahayn xiriirka ay u jartay Iran, balse ay ku qancineyso dowladda Sacuudiga oo ay la leeyihiin xiriir aad u wanaagsan.

Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay sheegay in ay xiriirka u jareen dowladda Iiraan oo aaminsan madhabka Shiicada, waxaana ka horreeyay dowlado dhowr ah oo sidaan oo kale xiriirka ugu jaray Iiraan kadib markii dowladdu ay ku eedeysay qodobo ay kamid yihiin:-

Qalqal ku beerisya Amniga Qaranka, Khataro Dhaqaale, mid Bulsho iyo mid Diineedba leh oo Iiraan looga baqayo inay Soomaaliya ka abuurto.

Goobjoog News