U bood dhigaalka

Aqoonyahan Caalim: Magadhow Halaga Qaado Diyaaradihii Dadka Soomaaliyeed Ku Duqeeyey Yemen

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Caalim oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in laga rabo dowladaha fuliyey weerarkii dhowaan lagu diley muwaadiniin Soomaaliyeed, kaasi oo ka dhacay biyaha Yemen iney bixiyaan magdhow, taasi oo uu sheegay iney waajib, uuna dhigayo xeerka caalamka.

Waxa uu aqoonyahankan ugu horreyn uu tacsi ka direy muwaadiniin Soomaaliyeed ee geeriyootey, wuxuuna sheegay inuu yahay xusuuq la geystay, islamarkaana dhibaatadan aysan Soomaali keli ahayn oo ay la qabaan shacabka Yemen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu aqoonyahan Caalim kula taliyey iney caalamka weydiisato sidii shacabka Soomaaliyeed marka hare dalkaasi looga soo saari lahaa, dowladihii duqeymahan geystayna laga qaado magdhow.

“Umadda Soomaaliyeed oo dalkoodii ka barakacay hadana lagu xasuuqay Yemen aad baan uga xunnahay, dhibaatadan waa ay la qabaan dadkii la noolaa ee Yemeniyiinta ah, waxaan jeclaan lahaa in dowladda ay weydiisato in dadkii ka haray xusuuqaasi dalkooda la keeno sidoo kalena ay magdhow weydiisato dowladaha leh diyaaradaha wax duqeeyay” ayuu yiri aqoon yahan Caalim.

Ugu Yaraan 35 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintey duqeyn diyaarahada Isbahaysiga ee uu horkacayo Sacuudiga u geysteen doon ay la socdeen muwaadiniin Soomaaliyeed, taasi oo ku socotay dalka Sudan.

Goobjoog News