U bood dhigaalka

Aqoonyahan Caalim “Shirka London Faa’idooyin Badan Baa Ku Jira”

Sheeko:Dalka

Falanqeeye siyaasadda dalka ayaa sheegay in shirka magaalada London maanta ka furmay uu faa’iidooyin waa weyn ugu sugan yihiin umadda Soomaaliyeed.

Diblumaasi Maxamed Maxamuud Nuur ayaa sheegay in shirkani uu horey u dhacay kuwa lamid ah islamarkaana Soomaaliya tahay wadan barwaaqo ah oo u baahan gacan qabasho maadaama uu galay xaalado qalafsan.

Waxa uu sheegay in beesha caalamka hadda ay arkaan in madaxda Soomaalida ay mideysan tahay.

Diblumaasi Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in beesha caalamka ay muhiim tahay in faragelinta ay dalka ka deyso oo wadamada caawinaya dalkani toos u caawiyaan iyagoo aan la xiriireynin xafiisyo uu sheegay in ay qaataan dhaqaalaha loogu yabooho dalka.

Arrinta aad loo hadal hayo waa dhismaha ciidamada qaran oo xitaa mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ay dood ka keeneen sheegeenna in lagu wiiqayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed ayaa weyiinay xaaladda dalka ay ka bedali karto.

“Shirkaan London waa uu guuleystay, faa’idooyin badan baa ku jira, markaan wuu ka duwan yahay shirarkii hore sababtuna waxay tahay madaxdii Soomaaliyeed oo gacmaha is haysta, mid ah ayaa yimid” ayuu aqoonyahan Caalim.

Shirka maanta ka furmay Londo ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ayaa la filayaa iney kasoo baxaan natiijooyin wax gal u ah shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News