U bood dhigaalka

Aqoonyahan dowladda ku eedeeyay is qabqabsiga maamulka koofur galbeed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay mas’uuliyadda is qab qabsiga siyaasadeed ee ka jira gobolada koonfur galbeed .

Shariif  Xuseen Roobow oo ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka jira gobolada koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowladdu kaalinteedii aysan ka qaadan dajinta xiisadahaasi isla markaasina ay dayacday mas’uuliyadii ka saarneyd wax ka qabashada saansaanta colaadeed ee muuqaneysa arimaha maamul u sameynta goboladaasi.

Waxa uu intaasi raaciyay in looga baahan yahay madaxda dowladda ugu sareysa in ay gutaan waajibaadka ka saaran xal u raadinta caqabada dhinaca maamulka ah ee ay isku hayaan shacabka dega gobolada koonfur galbeed Soomaaliya.

Madaxda ugu sareysa ee dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer magaalada Baydhabo u tagay xalinta xiisada ka dhalatay maamul u sameynta gobolada koofur galbeed ee dalka.

Hoos ka dhageyso codka Shartiif  Xuseen Roobow: