U bood dhigaalka

Aqoonyahan Dowladda Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqeyso Tayada Baasboorka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waxaa jira Wadamo badan oo aqoonsan Baasaboorka Soomaaliya balse waxaa jira dhibaatooyin faro badan oo bulshada Soomaaliyeed ay kala kulanto Baasaboorka marka ay doonayaan in Viso ay ku helaan.

Qaar ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ay ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay ka shaqeyso tayeynta Baasaboorska Soomaaliya si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan xushmo iyo sharaf.

Maxamuud Maxamed oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa qaba in Baasaboorka Soomaaliya laga qabo kalsooni darro loogana Fadhiyo madaxda dalka in ay ka shaqeeyaan Tayada Baasaboorka.

“Dowladaha qaar Visaha On Arrivel ayaa la iskugu saaraa kuwa qaarna waxaa la sameeyaa wado dheer ayaa la marsiiyaa marka waxyaabaha annaga nalu kugu dheelayo weli kalsoonidii Caalamka aanan heysan mana nalu ku kalsoonaan karo maxaa yeelay waxyaabo badan ayaa nalu ku tuhmaa”.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa horay u sheegtay in ay dooneyso in Baasaboorka Soomaaliya lagu kalsoonaado isla markaasna ay aqoonsadaan wadamada Caalamka.

Dhowaan ayey aheyd markii dowladda Norway ay sheegtay in ay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya balse waxaa jira wadamo badan oo aan weli aqoon saneyn Baasaboorka.

Goobjoog News