U bood dhigaalka

Aqoonyahan Guul Siyaasadeed U Arkay Dacwadda Ay DFS Ka Gudbisay DP World

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faalooda arrimaha siyaasadda dalka, ayaa sheegay in guul wanaagsan ay tahay in dowladda Federaalka ay dacwad ka gudbiso shirkadda DP World oo dhowaan ku xadgudubtay midnimada Soomaaliya.

Caalim ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay horey uga gaabsatay qaladaad uu sheegay in dalka ay ka geysteen shirkado shisheeye oo iyaga oo aan la ogeyn meello kamid ah dalka iska baaranayey.

“Waa guul in siyaasadeed dacawadda ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka gudbisay shirkadda DP World ayna u dagaalanto midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, dowladda waxaad mooddaa iney wax ka baratay qaladaadkii horey u dhacay oo ahayd in shirkado ajaaniib ay dalka shidaal ka baarayeen iyadoo aanay jirin cid ay lasoo xiriireen” ayuu yiri Caalim.

Todobaadkii tagay, shirkadda DP World ayaa sheegtay in Somaliland ay u aqoonsan tahay dal gaar ah oo madaxbannaan 28-kii sano ee lasoo dhaafay.

Goobjoog News