U bood dhigaalka

Aqoonyahan Idiris Xasan: Itoobiya Cadowtinimo Cusub Ayeey Soomaaliya Ka Abuuraysaa

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Idiris Xasan Faarax oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Finland ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay xilligaan dalka ka abuurayaan Cadowtinmo cusub oo ay u qaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Idiris oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay todobaadkaan gudahiisa dad shacab ah ku dileen degmada Doolow ee gobalka Gedo, ka dib markii ay xabsi kala baxeen.

Dadkaan la dilay ayuu sheegay in markii horeba sharci darro lagu haystay, balse ay la baxeen ciidanka Itoobiya oo ay dileen, isaga oo midaasi ku micneeyay in ay Soomaaliya ka abuurayaan cadowtinimo cusub.

“Dad aan waxba galabsan ayaa sharci darro loogala baxay xabsiga, waxaa la sheegay inay Al-shabaab ahaayeen, laakiinse waxba kama jiraan, waxaan la soconnaa in rag dilka caadeystay ay Baladxaawo joogaan, waxaana dilkaasi ka dambeeyay Itoobiya, waayo dadka xabsiga ayaa lagala baxay”

“Qofna lama dili karo iyadoo aanay maxkamad xukumin, dilalka sidaan oo kale ah horay ayeey u dhaceen, dowlad Federaal ah baa jirta wax ay ka hadashayna malahan, xildhibaanno reer Gedo ah baa jira, hadana dhammaantood wey wada aamusan yihiin” ayuu yiri Idiris.

Ugu dambeyn Aqoonyahan Idiris ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dilal sidaan oo kale ah ka geysteen gobalada Galgaduud, Hiiraan, Bay iyo Bakool, welina aanay jirin cid si dhab ah ula xisaabtantay.

Goobjoog News