U bood dhigaalka

Aqoonyahan: Itoobiya Waxay u soo Socotaa Jubba iyo Shabeelle, Soomaaliya waa iney Taageerto Masar

Sheeko:Amniga

Shalay oo Axad aheyd, waxaa dunida la maamuusay maalinta webiyada dunida, iyada oo dadka lagu wacyigeliyo ahmiyadda biyaha webiga, isbadalka cimilada, in kaalin la iska saaro ilaalintiisa iyo arrimo kale.

Maalinta webiyada, oo la xuso ilaa 2001-dii, waxaa ay ka dambeysay kadib markii ay dhibaato soo gaartay webiyada badan, 20 sano kadib waxaa muuqata in webiyada ay yihiin khilaafka ugu badan.

Khilaafka hadda taagan ee webiga Nile-ka ayaa ka mid ah, taas oo Itoobiya ay biyo-xireen ugu sameysay webiga, iyada oo saameyn ku yeelatay xisadda ay Masar ku laheyd biyaha, dhalisana muran badan, ilaa haddana aan xal laga gaarin.

Aqoonyahan Prof. Xasan Macalin, oo PhD ka heysta xiriirka caalamiga ah, waxaa uu Cabdi Caziz Gurbiye u sheegay in arrintan muranka biyaha ee Masar iyo Itoobiya ay saameyn ku yeelan doonto Soomaaliya, oo Itoobiya marka ay kasoo dhamaato Nile-ka ay usoo jeesan doonto Jubba iyo Shabeello, oo haddii heshiiska ay uga baxeyso Masar u meel-marto ay uga bixi doonto Soomaaliya, haddii ay dhici weysana ay Muqdisho rajo leedahay.

” Haa, muranka Itoobiya iyo Masar, waxaa uu saameyn nagu yeelan doonaa waqti fog, waayo hadda Itoobiya biyaha ay muran gelisay waa Nile oo galbeed ah, marka dhanka bari usoo jeesato, oo Jubba iyo Shabeello soo aado ayey saameynta iman doontaa, haddii ay Masar heshiis uga baxdo, Soomaaliyana waa uga bixi doontaa, sidaas darteed Soomaaliya waa iney taageerto Masar, waayo waa isku dan, haddii Itoobiya ay ku guuldareysato kiiska Masar, Soomaaliya berri waa ay ku doodi kartaa”.

Prof. Xasan Macalin, waxaa uu soojeediyey in Soomaaliya ay taageerto Masar, labada dalna ay isku dan yihiin marka la eego webiyada ay ku noolyihiin oo kasoo baxaya Itoobiya, haddii midkood la dhibaateeyana tan kale loosoo socdo.

Akhriso: Biyo-xireennada Itoobiya ee Webi Shabeelle

Goobjoog News