U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ka Digay In Muranka Ka Jira Dhismaha Aqalka Sare Uu Culeys u Keeno Doorashada 2016

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah aqoonyanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in doorashada la filayo in dalka ay ka dhacaan sanadkan  2016-ka   ay la mid tahay tii  dalka lagu qabtay sanadkii 2012-ka sabab la  xiriirta iyada oo aan muuqan wax  isbedel ah oo Dowladu ay qaatay.

Aqoonyanahan Maxamed Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka dibaddiisa ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News sheegay in  hadda ay muuqanayso is qab qabsi ka dhalanaya qaabka dhismaha   Aqalka sare ee dalka waqtiga oo  cariiri ahna  keliya laga gaarsiin karo aqalka hoose.

Waxa uu sheegay Aqoonyahan Maxamed Maxamuud in  dalka  hadda  ay ka jirto culeys dhanka ammaanka iyo dhaqaalaha taas oo uu yiri waxa ay keeni  kartaa   culays dhanka   doorashooyinka sanadka 2016.

“Waxaaba laga baqayaa in muranka hadda ka jira aqalka sare uu sabab u noqdo in culeys ku yimaado doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan sanadkaan, waxaase hadii la dadaallo laga gaarsiin karaa aqalka hoose ee baarlamaanka” ayuu yiri Aqoonyahan Maxamed Maxamuud.

Aqoonyahanka ayaa sidoo kale yiri “Hadii Dowladda loo sameeyo waqti kordhin waxaa sii kordhi kara kaliya khilaafka ka dhalan kara arimaha doorashooyinka”

Waxa la filayaa in  dalka ay ka dhacaan doorashooyin marka la  gaaro dhamaadka sanadkan 2016-ka taas oo siyaabo kala duwan ay uga hadlayaan aqoonyahannada Soomaaliyeed.

Goobjoog News