Aqoonyahan ka digay halis ka dhalata meel marinta mooshinka laga keenay Xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdiweli (Dhageyso)

cabdiwaliDr. Daahir Mire Jabriil oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka ayaa sheegay in mooshinkani haddii uu dhaqan galo oo la rido Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed  ay dhici karayso in Maraykanka iyo Midowga Yurub ay jaraan kaalmada ay siiyaan Soomaaliya taasoo culeys ku noqon karta shaqada hay’adaha dowladda iyo gar-gaar ah heli lahaayeen shacab Soomaaliyeed.

Wuxuu meesha ka saaray jiritaanka kaalmo muuqata oo xiligani umadda Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalkaba ay ka helaan wadamada Carbeed iyo kuwa dariska ah, isaga oo xusey in meesha kaliya ee dowladda kaalmo ka hesho ay tahay wadamada Midoowga Yurub iyo Maraykanka, haddii ay jartaane ay caqabad weyn ku noqon karto hawlaha dowladda.

Wuxuu sheegey in adduunka ay Soomaaliya ku bixiso sanadkii 800 Malyuun oo doolar, taasi oo hadda halis ugu jirta in la jarto xili dowladda Soomaaliya aysan wali gaarin isku filnaansho.

Aqoonyahan Daahir Mire Jabriil ayaa ku nuux-nuuxsaday in mooshinkaasi ay ka digeen Maraykanka iyo beesha caalamku isla markaana xildhibaanada diidan ay ku aragti yihiin dowladahaasi.

Wuxuu tusaale usoo qaatay qarashka ku baxa ciidamada nabad illaalinta Afrika ee AMISOM mushaar ahaan iyo hubka iyo agabka ay isticmaalaanba.

Dad badan oo aqoonyahano iyo waxgarad ah ayaa mooshinka u arka arrin aanan loo baahneyn.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Aqoonyahankaan oo uu qaaday Wariyaheena Maxamed Cabdulaahi Maxamed

 

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply to cialis without prescription Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW