U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ka Hadlay Sababta AMISOM Ku Kalliftay Inay Isaga Baxaan Deegaanno Ka Mid Ah Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Shariif Roobow oo ah qabiir dhanka ammaanka ayaa ka hadlay sababta AMISOM ku kalliftay in ciidamada AMISOM ay baneeyaan deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose.

Waxa uu sheegay in sida ay warbixinta ku hayaan aysan ciidamada AMISOM deegaanadaasi uga soo bixin xeelad dagaal, balse ay tahay qalqal soo wajahay.

Ciidamada Soomaaliyeed ayuu sheegay in aysan helin mushaar sidaa darteedna ay billaabeen inay kahor wareegaan ciidamada AMISOM ee uu tilmaamay inay ku ilaalin jireen xerooyinka ay deganaayeen.

“Ciidankii Soomaalida ee la shaqeyn jiray AMISOM iskuna xeendaabi jiray ayaa markii lasiin waayay mushaaraadkooda ayaa waxaa dhacday inay u baneeyaan xeendaabkii ay ku hany jireen, sidaa darteedna Ajnabigii AMISOM iyo Al-shabaab la waayay wax u dhaxeeya meeshana ay ku faaruqday ayaa waxay u baahdeen in qudhooda la ilaaliyo, waayo duur ma geli karaan mana dagaallami karaan, mar hadii ay waayeen ciidamada dowladda waxay ogaadeen in aysan sii joogi karin, sidaas ayaa keentay in ay soo cararaan, mana ahan in ay usoo guureen xeelad dagaal, laakiinse waxaa soo wajahay qalqal sida aan la soconno” ayuu yiri Shariif Roobow.

“Mashruucii AMISOM meesha ayuu ka bixi doonaa ama wuu fashilmayaa hadii aan dib loo eegin ciidamada Soomaaliyeed mushaaraadkooda, niyaddana loo dhiso, hadii lagu dadaallo hadda ciidamada Soomaaliyeed waxaa laga yaabaa in degmooyinkii iyo gobaladii xureyntooda ay kaalintooda ka qaataan” ayuu hadalkiisa ku daray Shariif Roobow.

Dhawaan ayaa ciidamo ka mid ah AMISOM waxa ay faarujiyeen deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, ka dib weeraro xooggan oo ay kala kulmeen Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News