U bood dhigaalka

Aqoonyahan Rajo Ka Muujiyey In Waxbadan Uu Bedali Doono Danjiraha Cusub Ee Maraykanka Usoo Magacwday Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Senat-ka Maraykanka ayaa meelmariyay danjiraha cusub ee dowladdaasi u qaabilsanaan doona Soomaaliya Donald Yamamato.

Mareykanka ayaa danjiraha cusub oo Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya u magacaabay Mr.  Yamamato oo khibrad aad u badan u leh dhinaca dibloomaasiyadda.

Madaxweyne Trump oo Yamamato Danjiraha Soomaaliya u magacaabay. Iyadoo aqalka sare ee Mareykanka uu magacaabiddiisa uu ku meelmariyey cod buuxa.

Yamamato oo horay danjiranima uga soo shaqeeyey waddama badan oo qaaraddan Afrika ka tirsan, isaga oo noqday danjirihi ugu waaya aragnimada badnaa ee Soomaaliya loo magacaabo tani iyo inta ay Soomaaliya bur-brutay Mareykankana uu xiray Safaaraddiisi Muqdisho.

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud ayaa waeysi uu siiyey Goobjoog ku sheegay in Danjirahaan loo soo magacaabay Soomaaliya uu waxbadan ka badali karo siyaasadda dalka iyo is faham.

Waxa uu sheegay inuu yahay Yamamato shaqsi fur furan oo siyaasada geeska afrika wax badan ka garanaya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News