U bood dhigaalka

Aqoonyahan Shariif Roobow: Ciidamada Dowladda Iyo AMISOM Wey Ka Gaabiyeen Shaqadood

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Shariif Roobow oo ah qabiir dhanka amniga ayaa sheegay in xilligaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka gaabiyeen shaqooyinkii looga baahnaa.

Waxa uu sheegay in Al-shabaab ay bilaabeen iney soo weeraraan magaalooyinka nabdoon, sidaasi darteedna wuxuu sheegay in ay muhiim ahayd in ciidamadan ay xoojiyaan weerarada Al-shabaab.

Bedalkii ay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadi lahaayeen deegaannada baadiyaha ah ee Al-shabaab ku sugan yihiin ayuu sheegay aqoonyahankan in Al-shabaab weeraro kusoo qaadaan magaalooyinka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowladda waxaa laga rabay in marka horeba meelaha ay joogto yihiin amniga, sida degmada Afgooye oo habeen kahor lasoo weeraray, waxaa la rabey in Afgooye bannaankeeda la tago si aanu degmada dagaal uga dhex dhicin, waxaaba dhici karta in Al-shabaab ay degmada qabsadaan sababtoo ah  dalka doorasho ayaa ka socota ciidamadana mushaar ma haystaan, ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda meelo badan ayeey ka joogaan Sh/hoose, hadane Al-shabaab magaalada ay rabaan waa ay soo weeraraan, waxay joogaan tuulooyinka iyo baadiyaha, gaabis baa ku jira shaqada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaa la rabay in Shabaab ay baadiyaha kula dagaallamaan, waxaaba laga yaabaa in lasoo jebiyo oo hubkooda laga qaato” Aqoonyahan Shariif ayaa sisaado u sheegay Goobjoog News.

Al-shabaab ayaa xoojiyey weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, xilli dalka uu ku jiro marxalad doorasho.

Goobjoog News