U bood dhigaalka

Aqoonyahan Sheegay In Amni Darro Ay Keeni Karto Lacag Shilin Soomaali Cusub Ah Oo Dhawaan Daabacday Puntland

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in amni darro ay keeni karto lacag shilin Soomaali cusub ah, taasi oo dhawaan maamulka Puntland uu daabacay.

Waxa uu sheegay in suuqayada magaalada Gaalkacyo lagu arkay lacagahaasi, hase ahaatee dadkii shacabka ahaa ay diideen, sidoo kalena ciidamada Galmudug howlgallo ay sameeyeen kusoo qabteen lacagtaasi shilin Soomaaliga ah.

Waxa uu tilmaamay Aqoonyahan Cabdirashiid, in lacagahaan hadii aan degdeg dowladda Dhexe waxa uga qaban, inay horseed u noqon doonto dagaallo dhaca iyo amni xumo aad u baahsan.

“Lacagtaasi wax badan ayeey keeni kartaa, maxaa yeelay Uljeedka Gaalgacyo loo soo geliyay ayaa ah in lagu carqaladeeyo maamulka Galmudug, sidoo kale hadii aan degdeg wax looga qaban waxay keeni doontaa amni xumo baahsan oo ka hirgasha meello badan oo dalka ka mid ah” ayuu yiri aqoonyahan Cabdirashiid.

Dhinaca kale aqoonyahankaan ayaa sheegay in Puntland ay haysato Afar Makiino oo lagu daabaco lacagta shilin Soomaaliga ah, waxaana uu tilmaamay inay kala yaalaan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Laascaanood waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News