U bood dhigaalka

Aqoonyahan Sheegay In Dowladda Looga Baahan Yahay Hirgelinta Heshiiskii Ay La Gashay Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Aqoonyahay Maxamed Maxamuud Caalim oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in loo baahan yahay dowladda dhexe iney dhaqangeliso heshiiskii ay la gashay maamul goboleedyada Shantii bishan.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in meel la dhigo wax walbo oo keeni kara kala fogaanshiyo, balse wuxuu soo jeediyey in waddo sax ah loo maro dhaqangelinta heshiiskan.

Sidoo kale aqoonyahan Caalim ayaa sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo wajaho fulinta qodob walbo oo lagu heshiiyey, balse aanay noqon mid qoraal un ku eg, fulinteedana laga gaabsado.

“Waxaad moodaa in mar walbo war-murtiyeed un lasoo saaro, waa in la dhaqangeliyaa heshiiska la gaaray, waa in Taliyeyaasha Federaalka iyaga oo Muqdisho jooga uu ammarkooda ka socdaa Puntland, Jubbaland, K/galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, annaga waxaan sugeynaa in dardar lagu socdo oo aan nala sugin shirka kale ee ay isugu imaanayaan” ayuu yiri Caalim

Dhanka kale, Caalim ayaa sheegay in guul ay tahay in madaxda Soomaaliyeed ay isugu yimaadaan shir aanay ajaaniib maamuleyn, ama aysan goob joog ka ahayn.

Axaddii Shalay waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir in ka badan 7 cisho u soconayey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Goobjoog News