U bood dhigaalka

Aqoonyahan Sheegay In Federaalka Uu Horseedi Karo Dagaallo Sokeeye

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka ayaa sheegay in nidaamka Federaalka uu dalka u horseedi karo dagaallo dhex mara beelaha Soomaaliyeed.

Aqoonyahankaan oo lagu magacaabo Mursal Jaamac oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in nidaamka Federaalka aanay fahamsaneyn dad badan oo Soomaaliyeed.

“Cid walba qoys ayuu meel ku xirtay waxaana uu yiri waxaan xukumayaa dadkaan aayahoodana aniga wax hala iga weydiiyo, waa arrin berri halis keeni karta”

Dowladda dhexe ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay qabato shir ballaaran oo hadda iyo kow looga arinsanayo in marka hore dalka uu ku shaqeynkaro nidaamka Federaalka ah.

“Dowladda waa in shir weyne ay qabataa kaasi oo looga shirayo in dalka uu Federaal ku shaqeynkaro, waan gahay hadda dowladda Federaalk bay ku shaqeyneysaa, laakiinse wax walbo oo aan loo codeyn ama la ansixin sharci ma ahan” ayuu hadalkiisa ku daray aqoonyahanka.

Dhinaca kale Mursal Jaamac ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay oo kaliya in ay arkaan markii qaar ka mid ah maamulada la dhisayay dhibaatooyinkii ka dhashay, iyo kuwa dhismahooda socda oo dood ay ka taagan tahay.

Goobjoog News