U bood dhigaalka

Aqoonyahan Sheegay In Qatar Badan Ay Keeni Karto Hadii Al-shabaab Fariisimo Ka Sameystaan Buuraha Gobalka Nugaal

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in qatar aad u xooggan ay keeni karto hadii dagaalyahannada Al-shabaab ay fariisimo cusub ka sameystaan Buuraha gobolka Nugaal.

Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo la hadlay Goobjoog Fm ayaa sheegay in weji cusub uu ka dhiggan yahay dagaalka Al-shabaab ee ka socda Nugaal.

“Waxaan u arkaa arrin aad u qatar ah Al-shabaab in hadda ay tagaan Nugaal, Galgala ayeey markii hore joogeen, hadii Buuraha Nugaal ay tagaan dhibaatada intaasi wey kasii badaneysaa, siyaasadda dalkana weji cusub bay u yeelaysaa” ayuu yiri aqoonyahankaan.

Sidoo kale Aqoonyahan Caalim ayaa rajo xumo ka muujiyey in doorashada la filayo sanadkaan in dalka ay ka dhacdo uu dib u dhac ku yimaado sababo la xiriira dagaallada ka billowday goblka Nugaal.

Waxa uu ku baaqay aqoonyahankaan in awood ballaaran la siiyo dhammaan taliyeyaasha ciidamada taasi oo ku aadan inay dhaqaaq badan sameeyaan oo dhammaan gobollada dalka awoodooda ku fidiyaan.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa dhawaan gaaray deegaanno ka mid ah gobalka Nugaal, halkaasi oo ay kula dagaallamayaan ciidamada Puntland.

Goobjoog News