U bood dhigaalka

Aqoonyahan Sheegay In Shacabka Soomaaliyeed u Baahan Yahay Dib u Heshiisiin Rasmi Ah (Dhageysi)

Sheeko:Dalka

Daa’uud Cabdiqaasim Salaad oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed, kuna nool wadanka Maraykanka ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed xilligaan u baahan tahay dib u heshiisiin rasmi ah si loo gaaro horumar iyo kala dambeyn.

Da’aauud oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah muhiim tahay in shir ballaaran loo qabto islamarkaana dhammaantood la wada heshiisiiyo.

“Umadda Soomaaliyeed waa hal, isku af isku dhaqan iyo isku diin, waa in dib u heshiisiin mid ah la’isugu keeno, ma ahan in la burburiyo midnimada umadda Soomaaliyeed oo loo horseedo in dib loo soo nooleeyo colaad iyo qabaa’il oo mar hore dalka meesha uu hadda joogo geeyay” ayuu yiri Aqoonyahanka.

Aqoonyahan Daa’uud ayaa dhinaca kale sheegay in dalka Soomaaliya iyo dadkiisaba aanay dan ugu jirin Federaalka, isaga oo sheegay in Federaalka uu yahay oo kaliya mid dalka sii kala qeybinaya una horseedayo dhibaato ama wax la mid ah.

Taasi bedalkeeda ayuu ku sheegay inay tahay in maamul walba oo la dhisayo laga eego rabitaanka shacabka bedalkii loo keeni lahaa wax aysan aqoon u lahayn.

“Arrinta hadda taagan waxa weeye dadkii heshiis ma ahan, Federaal ayaa la keenay, waa la boobsiiyay, dadka fursad maloo siin in taladooda ka dhiibtaan, dad badan baad arkeysaa oo mucaarad ku ah oo kasoo horjeeda, waxaad arkeysaa maamullada hadda la dhisay inay ku kooban yihiin magaalooyinka lagu dhisay” ayuu hadalkiisa raaciyay aqoonhan kaan.

Ugu dambeyn Daa’uud Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay midoobaan, islamarkaana ka tashadaan aayahooda iyo midda dalka, kana fogaadaan wax walba oo dadka kala geyn kara.

Riix halkaan si aad u dhageysato wareysiga

Goobjoog News