U bood dhigaalka

Aqoonyahan Sheegay In Xisbiyada Ay Xaq u Leeyihiin Qabashada Shirarka Ay Kaga Hadlayaan Aayaha Dalka

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Caalim ayaa sheegay in siyaasiyiinta ka madaxbannaan maamulka hadda shaqeeya ee dowladda Federaalka ay xaq u leeyihiin qabsashada shirarka ay danahooda siyaasadeed ku bandhigayaan.

Aqoonyahankan oo ku nool Fidland ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu ku sheegay in qalad siyaasadeed ay tahay in xisbiyada laga xigsado dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Caalim ayaa sidoo kale sheegay in qof walba oo siyaasi iyo shacab ahba ay si siman xaq ugu leeyihiin ka qeyb galka siyaasadda dalka.

“Waa qalad siyaasadeed cad, cidna dalka kama xigto siyaasiyiinta iyo xisbiyada ka madax bannaan dowladda, waxay qabsan karaan shirarka ay doonayaan, mana ahan in la caburiyo”

Ugu dambeyn Maxamed Maxamuud Caalim ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan isku dayin inay cadaadiyaan siyaasiyiinta halganka ugu jirta in ay talada dalka wax ka qabtaan.

Goobjoog News