Aqoonyahan Soo Dhaweeyay In Siyaasiyiinta Laga Saaro Guddiga Doorashada 2016

Professor Cabdikariin Daa’uud oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa tallaabo horay loo qaaday ku tilmaamay in guddiga doorashada laga saaro xubnihii golaha wasiirrada ee ku jiray.

Wuxuu sheegay in taasi ay keentay in wax rajo ah aysan siyaasiyiintu yeelan maadaama golihii fulinta ee dowladda lagu soo daray guddiga doorashada.

Sidoo kale aqoonyahankan ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddigan ay ka dhex muuqdaan xubnaha bulshada rayidka ah ee aan wax raadka ah ku lahayn siyaasadda dalka.

Xubnaha Madasha ayaa shalay isku raacay in siyaasiyiinta laga saaro guddiga doorashada dadban ee 2016.

Guddigani doorashada oo dhowaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka hor yimid golaha xisbiyada ee dalka ka dhisan.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW