U bood dhigaalka

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo Ka Hadlay Kheyraadka Koonfur Galbeed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Beeraha Koonfur GalbeedIyada oo dhawaan magaalada Baydhabo lagu dhisey maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa inoo suurogashay in aan waraysi la yeelano Aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Idris Cabdi, waxaanan wax ka weeydiiney kheyraadka dhulka Koonfur Galbeed.

Aqoonyahanka ayaa taxay wax-soo-saarka beeraha, xoolaha, iyo kalluumeysiga, wuxuuna intaasi ku daray in %80 gobolka Bay in ay yihiin beeraleey, halka kuwa Bakool ay u badanyihiin xoolo dhaqato, halka kuwa Shabeelada Hoose ay isugu jiraan beeraleey, xoolaleey iyo kalluumeysato.

Wuxuu ka deyriyey xerooyinka loo barokacay in dadkii wax beeran lahaa ama xoolahooda dhaqan lahaa lacago iyo raashiin loo qeybiyo si wax soo saarka looga reebo.

Wuxuu tilmaamay in roobabkii iyo biyihii la heysto, si ka badan sidii hore balse nasiib daro dadkii ay iska dhaafeen tabcashadii.

Wuxuu hey’adaha ugu baaqay in ay beeralayda ka caawiyaan xaga wax soo saarka beeraha, sida in la siiyo cagaf ay beeraha ku fashaan iyo waliba tabobar, halkii la siin lahaa wax uu markii horaba qofka isaga heystey ama soo saaran karo.

Ugu dambeyntii Aqoonyahanka ayaa sheegey in waxa ugu weyn ee dadka maamulka oga baahanyihiin ay nabad tahay, haddii ay nabad helaana dhaqaalaha goboladani ay si weyn u kobcayaan.

Dhageyso

Goobjoog News