U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ka Hadlay Suurtagalnimada Dib u Dhac Ku Yimaada Doorashada 2016

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed lana hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in suurtagal ay tahay in doorashadu dib u dhacdo muddo Bil ah  hase ahaatee  uu xusay in dalka doorashooyin ay ka qabsoomi karto.

“Doorasho dalka waa ay ka dhacaysaa suurtagal waxaa ah in  bil  ay dib u dhacdo waxana rajaynayaa in si hufnaan ah ay ku dhacaan “ ayuu yiri Caalim

Waxa uu sheegay  Caalim  in arinta kale   ee caqabada  noqon karto ay tahay dhaqaalaha ku baxaya doorashada  oo ay  ballan qaadeen bixinteeda deeq bixiyeyaasha waxa uuna ku celceliyay in dalka dhaqaalle ku filan  uusan lahayn.

Dhinaca kale aqoonyahankan ayaa mar uu ka hadlayey  xildhibaannada lasoo xuli doono ee  bedelaya kuwa hada jira waxa uu yiri “ Inta badan waxaa soo laaban doona  xildhibaannada  hadda  shaqeeya, waxaana loo baahan yahay in la helo dhiig cusub oo isbedel ku keena xaaladda dalka “

Si kastaba waxaa la qorsheynayaa in dalka  doorashooyin lagu qabto marka la gaaro   dhamaadka sanadkan ee 2016-ka.

Goobjoog News