U bood dhigaalka

Aqoonyahan Soomaaliyeed Oo Ka Hadlay Sida Looga Hortagi Karo Qatarta Roobabka Elnino

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax badan u soo joogay roobabka Elnino ee daadadka wata ayaa ka sheekeeyay sida looga hortagi karo haddii Soomaaliya laga dareemo.

Aqoonyahan Muuse Macalin  ayaa sheegay in Roobabkani ay muddo ka hor la xasuusto inay ka da’een goballo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Waxa uu soo hadal qaaday meelaha ugu daran inay ahaayeen goballada Jubbooyinka oo biyo badani ay maasheeyeen.

Muuse Macallin oo ay Goobjoog weydiisay inta uu ka xasuusto Elnino ee Soomaaliya ka dhacday ayuu tilmaamay in wax badan ay ku kala duwan yihiin roobabkii Elniinaha ee wadankeenna iyo dunida inteeda kale.

“Hadii roobabkaan sida loo sheegay u da’o dhulka dhan ayaa isbedali doono, daad badan baa imaan doona, dhulka ayaa biyaha inuusan cabin laga yaabaa, hadii deyrtu da’do oo sidoo kalena gu’ga yimaado wixii dhacay 1997-dii ayaa dhaci kara” ayuu yiri Muuse Macalin.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in kahortagga dhibaato ka dhalata roobabkaasi ay yihiin in laga fogaado meelaha ugu daran ee laga baqayo in daadadka maraan, sidoo kalena laga fogaado deegaanada ku dhaw Wabiga.

Goobjoog News