U bood dhigaalka

Aqoonyahanno Aan Ka Wareysannay Saameynta Doorashada Ee Khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Sheeko:Amniga

Doorashada baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa ay socotaa in ka badan hal bil sidaasi ay tahay waxaa barbar socda is-qabqabsi iyo khilaaf u dhaxeeya laanta fulinta ee dowladda federaalka ah gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble.

Haddaba, si aan wax uga ogaanno saameynta is-qabqabsiga ku yeelan karo doorashada guud ee Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay in maamul goboleedyada ay talaadada gooni u faqaan iyo xalkaba ayuu Cabdicaziz Gurbiye hordhigay Madaxa Machadka SIPAM, wasiirkii hore ee Batroolka Maxamed Mukhtaar, wasiirkii hore ee qorsheynta Jubbaland Aadam Aw Xirsi iyo weriye sare Maxamed Maxamuud Cadde.

Wasiirkii hore ee Batroolka Maxamed Mukhtaar oo arrintan ka hadlay waxaa uu qabaa in aaney doorashada waqtigeeda ku dhici doonin isaga oo intaa raaciyey “ Madaxweynaha marka uu awoodaha wareejiyey waxaa uu arkay in doorashada iyo amniga laga maarmay, waxaa kale uu arkay xukuumadda oo caadi shaqada u wadato, taasi waa dhibtay, waxaa kale oo danaha madaxweynaha soo galay Kiiska Ikraan, saddexdaas arrin ayaa khilaafka keentay”.

Madaxa Machadka SIPAM Maxamed Mukhtaar waxaa uu caqabad ku tilmaamay in madaxda maamul goboleedyada ay keligood ka faqaan ra’isul wasaaraha isaga oo sheegay in heshiiska May 27 aanu dhigeyn in madal cusub laga barbar sameeyo midda wadatashiga, haddii ay dhacdana ay sii dhaawici karto doorashada.

Dhankiisa, wasiirkii hore ee qorsheynta Jubbaland Aadam Aw Xirsi oo isba isla arrintan isqabqabsiga Farmaajo iyo Rooble aan wax ka weydiinay waxaa uu ku jawaabay “Is-qabqabsiga madaxda sare saamayn taban ayuu ku yeelan karaa doorashooyinka. Sababtuna waxaa weeye hab-sami u qabsoomidda doorashada waxaa lagama maarmaan u ah amni iyo maamul midaysan oo hal bar-hoggaamineed leh, taas oo aan ka suuroggelayn dal ay ka wada arriminayaan madaxweyne iyo ra’iisul wasaare luqunta isugu jira”.

Maxamed Maxamuud Cadde, waxaa uu qabaa fikir labada hore ka duwan oo ah in khilaafka labada mas’uul aanu saameyn ku yeelan doonin doorashada, isaga oo yiri “uma maleynayo in khilaafkooda uu doorashada saameyn doono, waayo shirka Garoowe ee madaxda maamul goboleedyada waxaa looga hadli doonaa ergada iyo goobta doorashada, wax walbo waa diyaar”.

Maxamed Maxamuud Cadde, oo sii-hadlaya waxaa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey “Farmaajo dooddiisa waxaa soo afjartay warqaddii dambe ee ra’isul wasaaraha, mana aha nin ehel u ah inuu wax muuqdo kusoo kordhinayo doorashada, waa laga tashtay, waana la dardargelinayaa doorashada”.

Goobjoog News