U bood dhigaalka

Aqoonyahanno iyo Axzaab: Heshiiska Dhuusamareeb 3 Looma Baahna In Lagula Soo Noqdo Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Aqoonyahanno iyo axsaab kala duwan oo la hadlay Goobjoog News ayaa meesha ka saaray baahida loo qabo horkeenista goleyaasha sharci dejinta ee federaalka ah heshiiska doorashada ee Dhuusamareeb 3,  iyaga oo ku taliyey in wixii halkaasi la isku afgarto ay ku koobnaad labada gole ee heer federaal, waxaa kale oo ay ka digeen in Farmaajo uu Dhuusamareeb geeyo wixii uu la joogay Villa Somalia oo ah kutumashada sharciyada dalka.

Maxamed Mukhtaar, madaxa machadka SIPAM oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu sheegay in natiijada ka soo baxeysa shirka Dhuusamareeb 3 aanan loo baahneyn in la keeno baarlamaanka federaalka ah isaga oo ku sababeeyey in goleyaasha sharci dejinta ee federaalka ah ay hadda heystaan labo sharci doorasho oo kala duwan-Midkii Baydhabo ee matalaadda isku dheelitiran, liiska xiran ahaa iyo midka kale ay dhowaan sameeyeen in guuleystaha uu soo baxayo-, Tan Dhuusamareeb 3 oo ah xal siyaasadeed oo ay gaarayaan labo heer dowladda federaalka ay dhici karto iney ka sii duwanaato, horkeenista heshiiskaas ee baarlamaanka federaalka ah ay tahay waqti lumis iyo gadaal kasoo bilaabid, laguna kalsoonaan karin iney ixtiraamayaan, sidaas darteedna aan loo baahneyn in heshiiskaas cid kale wax laga weydiiyo.

Guddoomiyaha xisbiga Daldhis Cabdiraxmaan Xuseen Cadow oo isna arrintaas kala hadlay Goobjoog News ayaa yiri “Sida caqliga ku jiro oo saxda ah waa in heshiiska Dhuusamareeb 3 aanu madaxweynaha kula soo laaban golaha shacabka ee BF, laakin aniga taasi shaki ayaan ka qabaa, waxaan rumeysanahay in Farmaajo aanu Dhuusamareeb u tagin xal, ee ujeedkiisu yahay uun qancinta beesha caalamka isaga oo ajendihiisa qarsoon kula soo noqon doona golaha shacabka, ayna u meelmarin doonaan”.

Aqoonyahankan waxaa ay qabaan in iyada oo Farmaajo ay wax badan ka qaldan yihiin sida xukuumad sharci oo aan dalka ka jirin, goleyaasha sharci dejinta uu isku diray iyo arrimo kale hadana il gaar lagu eego shirka Dhuusamareeb 3, iyaga oo kula taliyey in wixii halkaasi lagu heshiisyo aan dib la isugu laaban.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo ka hadlay khudabaddii Farmaajo ee golaha shacabka ayaa waxaa uu qoraal bartiisa Faceboogga ah ku sheegay in aaney suurogal aheyn inuu ku celiyo wixii Dhuusamareeb lagu heshiiyo waxaa uuna yiri “Madaxweyne Farmajo wuxuu Golaha shacabka ka horsheegay inuu wixii Dhuusamareeb lagu gaaro uu iyaga kusoo celinayo oo ay ereyga ugu dameeya ee doorashada iyagu leeyihiin. Tani marna maaha inay suurtogasho. “Wixii Dhuusamareeb lagu gaaro waa inay ku ekaadaan Dhuusamareeb.” Heshiis siyaasadeed boos ugama bannaana gole shacab oo waqtigoodii dhacay. Doorasho dadban oo heshiis lagu yahay keli ah ayaa maanta suurtogal ah. Golaha shacabku dib ha ugu noqdaan goboladooda oo kalsooni cusub ha weydiistaan”.

Shirkan Dhuusamareeb 3, oo ay indhaha ku hayaan Soomaalida iyo beesha caalamka ayaa  looga arrinsanayaa doorasho Soomaaliya ka dhacda 2020/2021, oo ay heshiis ku yihiin dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, waana nooc doorasho oo aan sababeyn in waqti loogu daro hey’adaha federaalka ah kadib markii maamulka Farmaajo uu ku fashilmay doorashada ‘Qof iyo Codka” ah ee uu balanqaasay.

Goobjoog News